Digreeto: Madaxweynaha Puntland oo magcaabay ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha

Digreeto kasoo baxday maanta xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr.111 September 24 2017, lagu magcaabay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland:                

Markuu Arkay:                    Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                    Baahida loo qabo in la magcaabo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha Puntland.

Markuu Tixgeliyey:                        Kartidiisa iyo waaya aragnimadiisa shawo.

 

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Xabiib Abshir Faarax loo Magcaabay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha Puntland.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTAKA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.