Angela MERKEL oo markii Afaraad oo isku xigta ku Guuleysatay Doorashadii Jarmalka


Berlin (PP) ─
Chancellor-ka Jarmalka, Angela Merkel ayaa markii afaraad ku guuleysatay doorashada madaxtinimada waddankeeda sida lagu shaaciyay natiijada doorashada shalay ka dhacday Jarmalka.

Xisbigeeda isbahaysiga muxaafidka ee CDU/CSU ayaa helay 32.5%, xisbiga Social Democratic ayaa isna helay boqolkiiba 20% waxaana hoggaamiyaasha xisbigan ay sheegeen inay mucaarad noqon doonaan.

Balse, Natiijada ayaa noqotay mid lala yaabo kadib markii xisbiga AfD uu ka helay doorashada codad gaaraya 13.5%.

Iyadoo la hadlaysay taageerayaasheeda ayay Angela Merkel sheegtay inay rajaynaysay inay codad intaa ka badan ay hesho.

Doorashada ayaa dalka Jarmalka ka billaabatay Siddeedii Subaxnimo ee shalay, iyadoo soo xirantay lixdii maqribnimo xilliga dalka Jarmalka, iyadoo dadka u soo baxay codeynta ay inyar ka yaraayeen doorashadii ugu dambeysay ee dhacday afar sano ka hor.

Sidoo kale, Angela Merkel ayaa waxaa dhisi doontaa dowlad isbahaysi taasoo diyaarinteeda ay qaadan karto bilooyin iyadoo xisbiyada kale aan la hubin in ay doonayaan inay ka qeybgalaan dowlad wadaag ah.

Angela Merkel ayaa muddo 12-sano ah u ololaheeda doorashada ahayd mid ay ku galaysay inay hoos u dhigeyso shaqo la’aanta, kobcinta koriinshaha dhaqaalaha, miisaaniyad dheellitiran iyo xiriirka dibadda in sare loo qaado.

Ugu dambeyn, Guushaan ay gaartay haweeneydan 63-jirka ah ayaa ka dhigeysa in ay la mid noqotay hogaamiyihii hore Helmut Kohl oo ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maamulayay dalka Jarmalka kadib dagaalkii labaad ee Dunida.

PUNTLAND POST