Yuusuf Garaad “Dowlad goboleedyadu awood uma lahan heshiis inay la galaan Dowlado kale”

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ka qeyb galayay kulan Jaaliyadda Soomaliyeed  ee dalka mareykanka ay soo qaban-qaabisay islamarkaana su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay sida uu u arko go’aanada Maamul goboleedyadda dalka ka jira ay soo saareen mudooyinkii dambe ee ku aadanaa in ay xiriirka u jareen Dowladda Qatar.

Yusuuf Garaad ayaa sheegay in Dowladd goboleedyadda dalka ka jira aysan xaq u laheyn in ay ka hadlaan arrimaha dibada, taasina mar walba loogu dambeyn doono Xukuumadda federaalka Soomaliya.

“Dowladd Goboleed waa qeyb weyn oo wadanka kamid ah mas’uuliyadeeda ayay leeyihiin,madaxweynaha Maamul Goboleed iyo wasiiradda waxay leeyihiin awood iyo mas’uuliyad u gaar ah, laakin awoodooda iyo mas’uuliyadda kuma jirto in ay tagaan wadamada shisheeye ayna heshiis lasoo galaan”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Yuusuf Garaad.

 Hoos ka dhageyso Codka 

PUNTLAND POST