Xildhibaan si adag uga hadlay Sharciga Saxaafadda ee loo gudbiyay Baarlamaanka Somalia

Muqdisho (PP) ─ Kaddib markii shalay Xildhibaanada Baarlamaanka la hor-geeyay wax ka bedelka lagu sameeyay sharciga Saxaafadda, ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada waxay ku tilmaameen sharcigan mid caburinaya guud ahaan saxaafadda Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa mudanayaasha sida adag uga hadlay sharcigan ayaa sheegay in caalamka uu xilligan ka maarmay Wasaaradadihii Warfaafinta, isagoo xusay in qodobada qaar ee sharciga saxaafada ay ku jiraan kuwo wax badan mamnuucayo.

“Caalamka aan hada joogno dowladaha dimoqraadiga ee casriga Wasaarad warfaafin dhan ma lahan, waxaa loo baahan yahay saxaafada xorta ah, xataa Telefishin dowladeed oo Qaran inta badan ma jiro”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in sharciga Saxaafadda markii uu dib u fiiriyay uu u egyahay sharcigii xilligii Milateriga dalka xukumayay, kaasoo lagu caburinayo saxaafada madaxa banaan.

“Markaan dib u qooraansaday oo aan fiiriyay wuxuu ila egyahay sharciga xilligii milateriga dalka uu maamulayay, mid kuligiis wax mamnuucayo, ruqsad la diidayo, shati lala noqonayo iyo ciqaab meelaha qaarkood aan la xusin, diiwaan gelinta la dhibay, wasaarada warfaafinta awoodii dhan ayay qaadatay, guddiga saxaafada awood weyn ma lahan, kaliya talooyin ayay ku leeyihiin”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Somalia Inj. C/rxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa shalay Golaha shacabka horgeeyay sharciga saxaafada oo wax ka bedel lagu sameeyay, iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta ay walaac ka muujiyaan qodobada qaar.

PUNTLAND POST