Madaxweyne Xaaf “Dowlada Soomaaliya ayaa muddo igu xanibtay Garoonka Hargeysa”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo galinkii hore ee saakay ka dagay garoonka Hargeysa ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay xanibtay muddo saacado ah oo aad u badan.

Madaxweyne Xaaf oo goordhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee Cadaado ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay is hor istaag ku sameeysay muddo saacado ah.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay dagaal iyo faragalin ku heyso maamulka Galmudug ee uu isaga madaxweyne ka yahay.

Dadka Reer Gal-Mudug ayuu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dhagaro uu sheegay in ay uga imaanayaan dowlada Soomaaliya .

Waxaa soo ifbaxaya qilaaf u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Gal-Mudug ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Geele Xaaf.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho