Wasiirada Galmudug oo ka hadlay muranka ka dhashay Khilaafka ka taagan Khaliijka

Cadaado (PP) ─ Golaha Wasiirrada Maamul-goboleedka Galmudug, ayaa kulan deg-deg ah oo ay maanta ku yeesheen Cadaado kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee soo dhex-galay madaxda maamulkaas.

Shirka ayaa gaba-gabadii laga soo saaray war-murtiyeed, kaasoo Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Maxamuud Aadan Masaga-waa uu saxaafada ugu akhriyay cadaado, waxaana go’aannada shirkaas kasoo baxay ka mid ahaa;

  • In la joojiyo shirarka siyaasadeed inta xal laga gaarayo khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka.
  • In maamul-goboleedka Galmudug loo daayo xalinta khilaafkeeda.
  • in amniga la adkeeyo iyo in waqti la geliyo howlaha mucaawino gaarsiinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Go’aamada kasoo baxay Golaha Wasiirada Galmudug, ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Madaxweynaha maamulkaas, Madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo dhex-galay khilaaf ka dhashay xiisada khaliijka oo Maamulka Galmudug uu isku khilaaf.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa taageeray isbaheysiga ay hor-kacayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, halka Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka soo hor-jeesteen, ayna taageereen go’aanka Dowladda Federaalku ka qaadatay xiisada khaliijka.

PUNTLAND POST