Ra’iisul Wasaarayaasha Somalia iyo Itoobiya oo ku kulmay Xarunta QM ee New York

New York (PP) ─ Kulan saxaafadda Soomaalida laga qariyay ayaa New York ku dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Dhiggiisa dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn kaasoo looga hadlay xiriirka labada dal.

Labada Ra’iisu wasaare ayaa kulankooda ku jeex-jeexay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo kulankan ay baahiyeen warbaahinta dalka Itoobiya, balse laga qariyay tan Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay dalkiisa ka go’an tahay inay xoojiyaan gacan siinta dowladda Somalia tan iyo inta ay cagaheeda mar kale isaga taagayso, wuxuuna ballanqaaday in ciidamadiisa qabta ka ah AMISOM ay sii joogayaan Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an inaan Somalia caawinno inta ay cagaheeda isaga taagi doonto, sidoo kalena waxaan caalamka ugu baaqayaa in taageerada ay la garanb-taagan yihiin AMISOM la xoojiyo,”  ayuu yiri Hailemariam Desaleng.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Khayre ayaa isaguna muujiyay sida dhankooda ay ugu faraxsan yihiin taageerada Itoobiya iyo dalalka kale ee AMISOM ugu muujinayaan Somalia oo dagaal kula jirta Al-shabaab.

Ugu dambeyn, kulankan laga qariyay warbaahinta Soomaalida ayaa kusoo beegamaya xilli uu taagan yahay muran xooggan oo ka dhashay dhiibistii ay Dowladda Somalia ugu gacan-gelisay Itoobiya sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee C/kariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax].

PUNTLAND POST