Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyey Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Mid kamid ah Beelaha daga Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari munasabad qado sharaf ah u sameeyey wafti Isimo ah oo ka soo kicitimay magaalada Gaalkacayo oo uu hor kacayey Islaan Bashiir Islaan Cabdule.

Waxaana munasabadan qado sharafta ah soo qaban qabiyey Suldaanka Beeha Suldaan Ciise Maxamed Ciise waxaana sida oo kale ku weheliyey soo dhawenta Ismidan qaar kamid ah Ismada gobalada Bari iyo Sanaag.

Ujeedka qado sharaftan ayaa ahaYd mid soo dhawen iyo marxabaYn loogu sameynayey Isimadan ka soo kicitimay gobalka Mudug oo dhaqan ahaan Ismadu ay u leeyihin in Isim kasta uu deegankiisa ku soo dhaweeyo Isimka soo booqda.

Dhankooda Isimadan uu hor kacayey Islaan Bashiir Islaan Cabdule oo ka soo kicitimay magaalada gaalkacayo ayaa dhan kooda ka mahad celiyey soo dhawenta ay Isimadan ugu sameeyen magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari

Cabdiqani Boos 

Puntland Post, Bosaso