Garowe:-kulan looga hadlayo Arrimaha Federalka oo labo sano soconaya

Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Dowlada Puntland ayaa maanta ku qabatay magaalada Garowe kulan hawleed taxane ah oo socon doona muddo labo sano ah oo ku saabsan Awooda iyo nidaamka Federalka, waxaana ka qeybgalaya kulankaan 25 qof oo ka socda Hay,addaha kala duwan ee Dowlada Puntland sida Xukuumadda, Xildhibaanada iyo Bulshada rayidka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Puntland Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil oo ka warbixiyay Ujeedada kulanka ayaa sheegay inuu ku saabsan yahay sidii loo xalin lahaa muranada ka dhaxeeya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka Somalia,Sidii Kheyraadka loo wadaagi lahaa,Sidii Awoodaha loo wadaagi lahaa,Sidii xalkeeda la iskula fahmi lahaa Awoodaha garsoorka iyo sharciyadda kale ee Federalka.

Agaasiimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Dowlada Puntland Cabdirashiid Maxamuud Siciid ayaa sheegay inay jireen kulamo ka horeeyay midka maanta furmay, Islamarkaana wuxuu sheegay in nidaamka federalku uu yahay mid ku cusub Somalia ayna ka dambeysay baahida keentay ka dib burburkii ka dhacay dalka Somalia.

Wuxuu sheegay Agaasime Cabdirashiid in lagu gorfeyn doono kulankaan Askumida nidaamka Federalka, Sababta iyo Ahmiyadda loo asaasay,Ujeedooyinka nidaamka Federalka iyo Calaamadaha ay wadaagaan Dowladaha Federalka sidii looga faa,iideysan lahaa inay dadku sii gudbiyaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST