Diyaarinta Mooshin ka dhan ah Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada oo ka socda Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku hawlan diyaarinta mooshin ka dhan ah madaxda maamul-goboleedyada ka jira dalka.

Xildhibaannadaan oo ah isla kuwii ku kasoo hor-jeeday go’aankii Dowladda Federaalka Somalia ay ku dhiibtay Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee C/kariin Sheekh Muuse [Qabi-dhagax] ayaa markan doonaya in madaxweynayaasha maamul-goboleedyada loogu yeero Baarlamaanka, isla markaana wax laga weydiiyo sababta ay uga hor-yimaadeen go’aankii Dowladda Soomaaliya ee khilaafka Khaliijka.

Sidoo kale, Mooshinkan oo bilow ah ayaa waxaa hormuud u ah, Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Axmed Macalin Fiqi, waxaana lagu difaacayaa mowqifka dowladda Federaalka ee khilaafka ka taagan Khaliijka Carabta.

Dhanka kale, Arrintan oo ah mid ka mida shaqooyinka Aqalka Sare ayaa waxaa muuqata in xildhibaannada Baarlamaanka ay la wareegayaan xilli Aqalka Sare u muuqdo inaysan u caddeyn howlaha Dastuurku u xil saaray.

Ugu dambeyn, lama oga sida ay madaxda maamullada Soomaaliya ka jira ay uga fal-celin karaan mooshinkan, iyadoo mooshinkaan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo laga diyaariyo madaxda maamul-goboleedyada dalka.

PUNTLAND POST