Diyaaraddii ugu horreysay oo soo caga-dhigatay xalay Garoonka Muqdisho 27-sano kaddib


Muqdisho (PP) ─
Somalia oo muddo dheer u soo taagneed colaad ayaa sanadihii ugu dambeeyay sameysay hormar dhinacyada badan leh, waxayna taas ay fududeysay in markii ugu horeysay Xalay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho shacab ka soo dagaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, saraakiisha Ammaanka iyo shacab badan ayaa xalay goob-joog u ahaa markii Muqdisho ay soo caga-dhigatay Diyaarad rakaab ah oo ka soo duushay Dalka Sacuudiga.

Diyaarada ayaa Garoonka ka soo degtay 8:00 Pm xilliga Muqdisho, waxaana saarnaa shacab soo Gutay waajibaadka Xajka.

Madaxdii ku sugneed garoonka Aadan Cadde ee magaalada muqdisho oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka xukuumadda Somalia oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu habeenkii shaqeynayo wixii hadda ka dambeeya.

“Garoonka Diyaaradaha Muqdisho wuxuu furnayaanayaa 6:00 aroonimo illaa 10:00 habeennimo, diyaaraduhuna ay kasoo degi karaan, isagoo xusay in xilli walba ay soo degi karaan diyaaradaha, balse ay shaqaaluhu shaqeyn doonaan illaa fiidimada habeen walba,” ayuu yiri wasiir Oomaar oo koox wariyeyaal ah kula hadlayay garoonka.

Sidoo kale, Duuliyihii diyaaradda Jubba Airways ee xalay soo caga-digatay garoonka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in garoonka uu habeenkii shaqeyn karo oo laga soo degi karo, isagoo xusay in tani ay garoonka ka dhigayso mid caalami ah oo hebeen iyo maalin shaqeynaya.

Ugu dambeyn, Muqdisho Diyaarad Shacab kama aysan soo dagin garoonka dyaaradaha Muqdisho xilli habeen ah muddo 27 sannadoo ah, markaasoo ay bur-burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST