Diyaarad iyadoo afduuban la keenay Somalia 40-sano ka hor oo lagu celiyay Jarmalka

Berlin (PP) ─ Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaarada Lufthansa ee dalka Jarmalka oo Somalia iyadoo afduub ahaan laga soo dajiyay sannadkii 1977-kii ayaa shalay oo Sabti ahayd dib loogu celiyay Jarmalka, Waxaana laga qaaday dalka Brasil oo ay taallay muddo sannado ah.

Diyaaraddan oo ay afduubeen Koox Reer Falastiiniyiin ah 40 sanno ka hor ayaa laga badbaadiyay 18-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 1977-kii, waxaana hawl-galkii lagu bad-baadshay qayb weyn ku lahaa Ciidankii komaandoosta Soomaaliya.

Sidoo kale, Diyaaradaan oo nooceedu yahay Boeing 737 ayaa markii lasoo afduubayay waxay ka duushay magaalo ku taalla waddanka Spain waxayna ku wajahnayd magaalada Frankfurt ee Jarmalka, iyadoo Afduubayaashii oo Falastiiniyiin ahaa ay lasoo aadeen Somalia, iyagoo kasoo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaradan oo ay siday diyaarad weyn oo dalka Ruushka laga leeyahay ayaa Axadii shalay geysay Jarmalka, waxaana loo qaaday madxafka Dornier si ay shacabku u daawadaan.

Kooxdii qafaalatay diyaaradaas oo Afar ruux ahaa, ayaa sadex ka mid ah lagu dilay hawl-galkii diyaaradda lagu furanayay, iyadoo haweeney dhaawac ah ay ka badbaaday, taasoo muddoo fog ku noolayd Somalia, inkastoo markii uu burburku dhacay ka carartay Soomaaliya.

Rakaabkii diyaaradda laga badbaadiyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 86 qof, iyadoo kooxdii afduubka u soo qabsaday diyaaraddan iyo rakaabkii ay waday ay dalbadeen in la-sii daayo, markii dad ururkooda ka tirsanaa la xiray.

Dhanka kale, Aribert Martin oo ka mid ahaa Askar gaar ahaa oo dawladdii ka jirtay xilligaas dalka Jamalka ay Muqdisho u soo dirtay si ay hawl-galkii bad-baadada ah u fuliyaan ayaa xusay inay maanta u tahay maalin aad u weyn  oo uu arkay diyaaraddii uu bad-baadshay 40 sannadood ka hor.

Ugu dambeyn, Diyaaradaan oo kooxdii qafaalatay ay haysteen muddo shan maalmood ayaa waxay dileen mid ka mid ah duuliyaashii diyaaradda oo la oran jiray Jürgen Schumann. Iyadoo diyaaraddan ay noqon doonto wixii ka dambeeya hadda mid loo dalxiis tago.

DAAWO SAWIRRADA DIYAARADDII 40-SANO KA HOR LA AFDUUBAY;

PUNTLAND POST