Weerar lagu qaaday Kaniisad ku taalla Dalka Maraykanka

Mas’uuliyiinta gobolka Tennessee ee Dalka Maraykanka ayaa sheegay in 8 ruux ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday Kaniisad ku taalla degaanka Nashville ee gobolkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay ay dhammaan ahaayeen waayeel da’doodu kor u dhaaftay 60 sano,balse mas’uuliyiinta gobolka arrintaasi ma xaqiijin.

Saraakiisha amniga ayaa ku warramay in dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaalka Vanderbilt degaankaasi ku yaalla,islamarkaana baaritaan lagu samaynayo dhacdadaan,balse faahfaahin dheeri ah ma bixin.

Warbaahinta gobolka ayaa soo werisay in Kaniisadda la weeraray oo lagu magacaabo Burnette Chapel uu Booliisku baaritan ka bilaabay,sidoo kalena sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya gawaarida gurmadka deg degga ah oo Kaniisadda ka baxaya iyo dad halkaasi ku soo xoomay.

Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar