Sheekh Shariif: ”Go’aanka Dowladda ee Arrinta Khaliijka waa mid lagu deg-degay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay go’aanka ay Dowlada Soomaaliya ka qaadatay arrimaha Khaliijka inuu yahay mid lagu deg-degay.

Qoraal uu soo dhigey Sheekh Shariif Sheekh Axmed Aaladaha ay bulshada ay kuwada xiriirto ayuu qoraalkiisa u qornaa:-

ASC WALAALAYAAL

“Go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka waxa uu iila muuqdaa mid lagu degdegay oo aan ka tarjumayn masaaliixda dalkeenna, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan la leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo burburin karin kaliya dowladda Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay taageerada dalkeenna”. ayuu ku yiri qoraal uu soo qoray

Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayuu kula taliyay in ay go’aankaasi dib uga laabtaan islamarkasina ay wada tashiyo badan ka sameeyaan.

“Waxaan madaxda dowladda kula talinayaa iney dib u eegis ku sameeyaan go’aankooda, islamarkaana ay wadatashiyo kala yeeshaan Golayaasha qaranka iyo maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dalka, ayna ilaaliyaan danaha istiraatiijiga ee aan la wadaagno dowladahaas.”

Dowlada Soomaaliya ayaa go’aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka iyada oo ay madaxdii hore ee dalka soo maray dowlada ku cadaadinayaan in ay xiriirka u jaraan Qadar

PUNTLAND POST