Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan

Buulo-burde (PP) ─ Madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray degmaa Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, si uu ugu kuur galo xaaladda Ammaan iyo mida nololeed ee ka jirta degmadaas.

Mudane Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa diyaarad kuwa qumaatiga-u-kaca ah Helicopter kasoo qaaday Beledweyne, halkaasoo uu Khamiistii la soo dhaafay gaaray.

Wafdi Madaxweyne Waare ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan iyo xildhibaanno ka soo jeeda Degmada Buulo-burde, waxaana soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta degmada iyo bulshada ku nool degmadaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulan la qaatay Qaybaha kala duwan ee bulshada Buulo-burde, waxaana uu balan qaaday in maamulkiisa uu ka shaqeynayo amniga iyo sidii adeegyada bulshada looga fulin lahaa magaalada.

Dhanka kale, Wuxuu ballan-qaaday in la isku furo Waddada isku xirta Buulo-burde iyo Beledweyne, iyo Buulo Burde iyo Jowhar, iyadoo muddo sanado ah ay xaalad go’doon ku jirto degmada Buulo-burde.

Ugu dambeyn, Amniga Buulo-burde ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la arkayay Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Jabuuti oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga wafdiga Madaxweynaha.

PUNTLAND POST