AMISOM iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Wareejinta Garoonka Muqdisho Stadium

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM, iyadoo ay wehliyeen taliyaha guud ee AMISOM iyo saraakiil kale.

Mudane Taabid Cabdi, ayaa kala hadlay Danjire Francisco Madeira Amaanka Caasimadda Somalia ee Muqdisho iyo sidii loo dar-dar-gelin lahaa Xoojinta Nabad-galyada guud ee Muqdisho.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho iyo Ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa isla soo qaaday shilalka ay geystaan ciidamada AMISOM iyo sidii looga hor-tegi lahaa shilalka ama dhaqso looga jawaabo haddii ay dhacaan.

Duqa Muqdisho ayaa ka dalbaday Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo Wareejiyaan Garoonka Kubada Cagta ee Muqdisho Stadium, kaasoo haatan saldhig u ah ciidamadan.

Ugu dambeyn, Labada dhinac ayaa ku heshiiyay sidii Guddi loogu saari lahaa qorshaha soo Wareejinta Garoonka Muqdisho Stadium, laguna soo wareejin lahaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

PUNTLAND POST