Madaxweyne Xaaf oo taageero u helay go’aanka uu ku Taageerayo Xulufada Sucuudiga

Cadaado (PP) ─ Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa taageero u muujiyay Madaxweynaha maamulkaas, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], kaddib markii ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay kasoo hor-jeesteen go’aankii uu ku taageeray maamulka cuno-qabataynta ku soo rogay dowladda Qadar.

Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in kulan deg-deg ah ay xubnaha golaha wasiirrada Galmudug ka yeesheen arrinta ku aadan mowqifkii uu soo jeeiyay madaxweynaha Galmudug iyo diidmada madaxweyne ku xigeenkiisa.

Sidoo kale, Waxaa la sheegay in wasiirradu ay taageereen go’aankii uu Xaaf horay u gaaray ee lagu taageerayay xulufada Sucudiga iyo Imaaraadka ee dhanka ka ah dowladda Qatar oo ka mid ah kuwa Khaliijka.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ayaa iyaguna la sheegay inay wadaan abaabullo looga horjeedo go’aanka madaxweynaha Galmudug.

Ugu dambeyn, Khilaafka ku aaddan arrinta ka dhex-aloosan dalalka Khaliijka Carabta ayaa ka gaartay maamulkaas meel halis ah, iyadoo khilaafkan aan la ogeyn waxa ka dhalan doona.

PUNTLAND POST