Garowe:-Dallada Iftin Group oo deeq waxbarasho ardey ugu dirtay dalka Sudan.

Dalladda Waxbarashada Iftin Group oo ay mideysan yihiin Aqoonyahano iyo qaar ka mid ah Iskuulada gaarka loo leeyahay sida dugsiga hoose/dhexe/sarre ee Daawad oo ku yaala magaalada Garowe,Iskuulka hoose/dhexe/sarre Raascaseyr oo ku yaala magaalada Bosaso iyo Dugsiga Yameyska oo ku yaala magaalada Gaalkacyo ayaa xaflad loogu dirayo deeq waxbarasho Dalka Sudan ugu qabatay magaalada Garowe 8 ardey ee u sareysay Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedkii 2016 iyo 2017-ka.

Prof Axmed Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha Dallada Iftin Group oo isagu dalka Sudan uga soo helay deeq waxbarasho 8 Ardey oo ka aflaxay iskuulada hoostaga Dalladda ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay kordhinta dadaalka fursad waxbarasho ay ugu raadinayaan Ardeyda dhigata Iskuulada Daawad,Raascayr iyo Yameyska.

Wuxuu kula dardaarmay waalidiinta inay ku xirnaadaan Iskuulada hoostaga Dalladda Iftin Group, wuxuuna sheegay in si deg deg ah loogu dirayo 8 Ardey oo ah 4 wiil iyo 4 gabdhood ,wuxuuna kula dardaarmay inay ka faa,iideystaan fursadaan oo ku timid ka dib dadaal dheer oo lagu bixiyay.

Prof Axmed Cali Axmed wuxuu sheegay inuu yahay Hadafka loo asaasay dalladda waxbarashada ee Iftin Group sidii waxbarasho tayo leh Ardeyda dhigata Iskuulada hoostaga loogu raadin lahaa,wuxuuna gacanta ka saarey Ducumintiyadii ay ku bixi lahaayeen Ardeyda deeqda waxbarasho ka heshay Dowlada Sudan.

Nimco Cabdulaahi Geelle oo ka mid ahayd kasoo qeybgalayaasha munaasabada sagootinta 8 Ardey ayaa sheegtay inay ka mid tahay waalidiinta caruur badan u dhigato Iskuulada hoostaga dallada Iftin Group, Islamarkaana ay soo dhaweynayso fursadaha waxbarasho loogu raadinayo Ardeyda dhigata Iskuuladaas.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa uga waramay Ardeyda taariikhda dalka Sudan oo uu sheegay inuu ka mid yahay wadamada jaarka la ah Soomaaliya, isagoona hoosta ka xariiqay inuu dalkaas wax kusoo bartay, wuxuuna ku booriyay Ardeyda heshay deeqda waxbarashada inay dadaal ku bixiyaan sidii ay uga faa,iideysan lahaayeen waxbarashada ay u dirtay dallada.

Dhinaca kale waxaa ka mid ahaa dadkii ku hadlay afka waalidiinta General Muxuyadiin Axmed Awmuuse Taliyaha la dagaalanka Argagixisada iyo Mukhaadaraadka Puntland iyo Gudoomiyihii horre ee Hay,adda Wadooyinka Puntland (PHA) Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST