Faarax Macalin oo loo ogolaaday inuu keeno cadeymo ka dhan ah doorashada Aadan Barre

Maxkamada sare ee Kenya ayaa golaatay inay gasho dacwad uu bishan horraanteedii maxkamada horgeeyay guddoomiye ku xigeenkii hore dalka Kenya Faarax Macalin oo ahaa musharrixii xildhibaan ee Aadan Barre Ducaale kula tartamay kursiga xildhibaanimada Gaarisa.

Faarax ayaa ku dooday in doorashadii 8dii bishii Agoosto ka dhacday Gaarisa inay ahayd mid lagu shubtay, isla markaana taageerayaasha Aadan Barre loo ogolaaday in dhowr jeer ku noq-noqdaan codeynta.

Wuxuu markaasi geeyay dacwad maxkamada sare isagoo maxkamada weydiistay inay buriso doorashada uu ku guuleystay Aadan Barre, lana amro in dib loogu noqdo doorashadaasi.

Maalintii shalay ayaa qaaliga maxkamada sare oo lagu magacaabo Hedwig Ongâ’udi waxay ku dhawaaqday in dacwada Faarax Macalin la dhageysanayo, isla markaana Faarax laga doonayo in uu keeno cadeymo iyo qiraal qoraal ah.

Waxaa sidoo kale ay maxkamadu amartay in guddiga doorashada ee Kenya ay keenaan jawaab celintooda ku aadan doorashadii Gaarisa ee lagu eedeeyay in guddiga uu horseed ka ahaa in la xado.

Haddii ay maxkamadu gasho dacwadan ayaa waxay qaadan kartaa mudo dhowr toddobaad in go’aan looga gaaro, taasoo keeni karta in ama Faarax guuleystoo micneheedu noqon karo in doorashadii xildhibaanka Gaarisa lagu celiyo, ama in Aadan Barre guuleysto oo horey looga sii socdo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST