Ololaynta dib ugu Noqoshada iskuulada oo ka bilawday Xeryaha Qoxootiga Boosaso

Bosaso-[Puntland Post]-Barnaamij lagu magac daraya aada  iskuulada oo lagu talagalay haweenka waxabarshada ay gaabis ka noqotaya aya ka bilawdeen kaamamka Qoxootiga Ee ku Yaala Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari.

Mashruucan aya waxa iska kaa shanaya Wasaradda waxabarshada Puntland Xafiiskeeda gobalka Bari iyo Haya”adda RELIEF international waxana ka Faa,idaysanaya  dadka qoxootiga ah ee ku nool Xeryhaya qoxootiga Bosaso.

Munasabada barnaamijkan lagu daah-furayey ayaa lagu qabtay bartamaha Xeryaha qoxootiga ee ku yaala duleedka bari Ee magaalada Boosaso waxana ka qaybgalay Masuuliyiin ka socada Haya”adda RELIEF international iyo Wasaradda Waxbarshada Puntland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Xeradaasi,

Masuuliyiintan ayaa dadka fahan sinayey qiimaha haweenka ay u leedahaya waxabarshadu iyo sida loogu baahan yahaya in ubadka wax la baro.

Cabdiqani Siciid Yuusuf oo ah sarkaal ka tirsan Haya”adda RELIEF international  waxa uu sheegaya in ujeedka olalahan ay ka leeyihin ay tahay in caruurta qoxootiga ah ee aan helin waxabarshada in ay helaan waxabasrho si bi yiri ay ula mid nqodaan caruurta kale ee waxbartay.

Kormeeraha Guud Ee wasaradda waxabarashada Ee gobalka Bari Muuse Jibriil Maxamed iyo Asiyo Saalax Buraale oo ka socdaya wasarad waxbarashada Puntland dhankooda waxa ay ku dheeradeen sidii qiimaha ay leedahaya in wax la barto iyogoona waalidiinta ku baraarujiyey in ay caruurtooda ay geeyaan goobaha waxabarshada si loo helo jiil waxbartay dalkuna uu ka faa,idaysto.

Walidintii ka qaybgalaya Munasabada ayaa dhamantood uga mahad celiyey Masuuliyiinta ka socda wasarad waxbarashada Puntland iyo Haya”adda RELIEF internatinal sida wanagsan ee ay ubad kooda ugu dhiiri galinayaan waxabarashadooda gaar ahaan haweenka waxana  sida oo kale ay balan qaden in ay caruurtooda ay gen doona gobaha waxabarashada.

Haya”adda RELIEF international iyo wasarad waxabasrahada Puntland ayaa iska kaashan doona mashruucan waxana lagu dhiiri galindoona caruurat aan helin waxabarshada ee ku nool xeryahaya qoxotiga ee ku yaala Boosaso.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post  Bosaso