Wasaaradda Duulista Hawada oo soo bandhigtay qalabka Hawada Soomaaliya lagu maamulayo

Muqdisho-[Puntland Post] Dawladda Soomaliya ayaa maanta soo bandhigatay qalabkii lagu tala galaya in lagu maamulo hawada soomaliya.

Xaflad Kooban oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay qalabkaasi oo muhiim u ah Bulshadda Soomaaliyeed ,islamarkaana lagu hagi doono diyaaradaha maraya Hawadda Soomaaliya.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cabdilaahi  Oomaar ayaa  sheegay in qalabkaan cusub ay yihiin kuwa muhiim ah oo soo gudbinaya xaaladda hawada Soomaaliya.

Dawllada soomaliya ayaa dhawan la wareegtaya hawada mudo 27-sano, kadib markii ugu horeysay .

 

Cabdiqani Boos

Puntland Post