Shir ka dhan ah heshiiska Dekeda iyo Duminta Dhismayaasha oo lagu qabtay Bosaso

Kulan looga soo horjeedo heshiiskii dekeda Bosaso muddo 30 sanno ah lagu wareejiyay shirkadda P & O port ee dalka Imaraadka carabta iyo qorshaha dowladda ee duminta dhismayaasha taariikhiga ah ee ku yaal Xaafadaha ku dhow dekeda ayaa maanta ka dhacay magaalada Bosaso, waxaana soo qaban qaabiyay kulanka Odoyaal,Issimo,Aqoonyahano,Siyaasiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Ganacsato  dhamaantood sheegay inay yihiin dadka degan xaafadda Qadiimka oo ku taala hareerta Dekeda magaalada Bosaso.

Guddiga odoyaasha iyo aqoonyanada degan xaafadda Dekeda Bosaso oo isugu jira Issimo,Nabadoono, Saraakiil Ciidan, aqoonyano, Ganacsato, Haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda oo hadalo kooban ka jeediyay kulankii maanta waxay sheegeen inaysan ka soo horjeedin  mashaariicda horumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka ka socda, Hase yeeshee ay u taagan yihiin inay cod dheer ku cadeeyaan Xuquudooda.

Khadar Xaaji Mire, Duqii hore ee Degmadda Bosaso oo ku hadlayay magaca dadka degan xaafadaha qadiimka ah, wuxuu sheegay in bulshadda maanta iskugu timid kullanka ay ka soo jeedaa dadkii asaasay magaaladan oo qarniyaal deganaa, islamarkaana ayan ka soo horjeedin in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

“Dadweynahan waxaa isku keenay, barlamaankii naga xigsan lahaa ayaa meesha ka baxay, waxay kaliftay in aanu akhrino oo baarno heshiiska dekeda, Heshiiskan wuxuu sheegayaa in dekeda la galinayo 336 Milyan. Dadkani waxay doonayaan in lacagtaasi lagu dhiso deked Cusub oo madaxtooyada ama mareero la geeyo, oo halkaasi laga dhiso” ayuu Khadar Xaaji Mire.

Waxaa ka mid ah dadka dareenkooda hadalo ku muujiyay Col Maxamed Siciid Xirsi (indho-Cadays)  Col Bashiir X. Cali , Suldaan Abshir Jibriil Nabadoon Maxamed Nuur, Nabadoon Cumar Abshir, Nabadoon Maxamed Xuseen Maxamuud, Ganacsae C/qaadir Nuur Isbatoore. siyaasi Bille Qabowsade, Sheekh Xusee Xaashi,  caasho Ciise Xaahi  iyo aqoonyahano kale, waxayna dhammaantood sheegeen inay aamisan yihiin in horumar la samayn karo iyadoo aan wax la dumin, dhibna loo gaysan bulshada qadiimka ah  ee Bosaso. iyadoo dadkana loo dhisi karo deked weyn oo qiimo leh.

Waxay sheegeen in Naqshadda Dekeda iyo ku talgalka shirkadda P & O port/ DP World uu u muuqda mi aan horumar weyn u keenin dadka reer Puntland,madaama aan la dhisayn Deked cusub, oo dekedii hore uun la dayactirayo, waxayna ku taliyeen in wax laga bedelo naqshada  iyo qorshaha mashruuca.

Bishii Apr 10, 2017: Waxaa heshii kala saxiixday Dawladda Puntland ee Soomaliya iyo Shirkadda P&O Ports ee laga leeyahay Dubai, saldhigeeduna yahay London, heshiiskaa oo muddo 30 sano lagu wareejinayo dekedda Bosaaso dhismeheeda iyo maamulkeedaba. Heshiiska waxaa la sheegay in dekedda lagu maal gelanayo US$ 336 malyan, taas loo kala qaybinayo laba waji oo kala ah $136m iyo $200m, Heshiiskaasi waxaa ansixiyay Barlamaanka Puntland.