Sarkaal ka shaqeeynayay Garoonka Aadan Cadde oo qarax gaarigiisa loogu xiray

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay qarax kaasi oo maqalkiisa laga maqalay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa ahaa Qarax gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka shaqeeynayay Garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Sarkaalka ayaa gaarigiisa oo marayay Degmada Boondheere gaar ahaan Isgooyska Maana Boolyo xili uu u socday shaqada garoonka lagu qarxiyay.

Sarkaalkaan dhintay  ayaa magaciisa lagu soo koobay Abuu Shiine waxaana sidoo kale dhaawacmay 2 ruux oo kale goobtaasi marayay.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay kuwaasi oo xiray wadooyinka soo gala goobta qaraxa uu ka dhacay.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo lagu dilo dadka u shaqeeya dowlada Soomaaliya.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho