Puntland oo mamnuucday Libaaxa Indho-buurka iyo isticmaalka shabaagaha caaga

Bosaso-[Puntland Post] Masuuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa mamnuucday qabashada libaaxa indho-buurka iyo isticmaalka shabaagaha caaga ah, kadib markii  warbaahinta ay shir saxaafadeed ku qabteen xafiiska wasaaradda ay ku leedahay magaalada Bosaso.

sida oo kale masuuliyiintan aya warbahainta u qeybiyey dikreeto lagu mamnuucayo adeesiga shabaagaha caaga iyo qabashada libaaxa indho-buurka, waxayna dikreetadasi u qornayd sidan:

Ku: dhammaan shirkadaha qalabka kalluumeysiga.

Ku:Dhammaan dalladaha iyo ururada kalluumeysiga.

Ku: Taliska ciidanka boliiska Puntland.

Ku: Ciidanka badda Puntland.

Ku: Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Ku: Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland.

Ku: Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Og: Wasiiru dowlaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Og: Wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Og: Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Og: Madaxweynaha Puntland.

Ujeedo xirmo xiliyeed kaluumeysiga libaaxa indh-buurka.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland Cabdirashiid Maxamad Xirsi markuu arkay xeerka kalluumeysiga Puntland qodobkiisa 71-aad, markuu arkay wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaradda, markii uu dhegeystay talo bixinta khuburadad culuumta badda iyo kalluumeysiga ee ku aadan xaaladda uu ku sugan yahay libaaxa indho-buurka, markuu tixgeliyey doorka uu libaax badeedka kaga jiro sil-silidda cuntada iyo guud ahaan muhiimadda uu u leeyahay kale duwanaasha noolaha, sidoo kale markuu wasiirka tixgeliyey xaalufka ba’an ee lagu hayo libaaxa indho-buurka taasi oo sababi karta in uu dhakhso u dabar go’a haddii aan si deg-deg ah wax laga qaban, markii uu darsay shabaagaha caaga ah ee mamnuuca ah ee loo adeegsado libaaxa indha-buurka qabashiida oo tayadoodu liidato isla markaana badankood ku go’ a badda iyagoo sii wada waxa loo yaqaan kaluumeysi rooxaameed sababana dhimashada noole fara badan.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadaka badda Puntland-Soomaaliya Cabdirashiid maxamad Xirsi ayaa ugu dambeen waxa uu amray:

A-Xirmo xiliyeed ku aadan qabashada libaaxa indho-buurka oo ka fulaysa dhammaan xeebaha Puntland mudadeeduna tahay laba sano oo ka bilaabanaysa maalinta wareegtadan soo baxdo.

B- Inta lagu guda jiro xirmo xiliyeedka qof , koox, shirkad, urur, ama iskaashato uma howl geli karto in uu qabsado libaaxo indha-buurka.

C-In aan laga dhoofin karin garoomada iyo dekadaha Puntland libaaxa indho-buurka saliidiisa, haragiisa iyo cadkiisa inta lagu guda jiro xirmo xiliyeedka la iclaamiyey ee kor ku xusan.

D-Inta lagu jiro mudadaasi labada sano ah wasaaraddu waxay sameyn doontaa cilmi baaris dhammeystiran oo lagu darsayo xaaladda kheyraad badeedka.

Dhammaan xafiisyada ay wareegtadan sida tooska ah iyo sida dadban ugu socota waxaa lagu wargelinayaa in ay fuliyaan awaamiirtan lagu xili xirmeynayo qabashada libaaxa indha-buurka.

Cidii ka hortimaada awaamiirtan , jebisana xirmo xiliyeedka la iclaamiyey waxaa la marinayaa sharciga u dhigan dalka, gaar ahaan kuwa khuseeya ku xadgudubka shuruucda kalluumysiga.

Cidii ka hortimaada awaamiirtan , jebisana xirmo xiliyeedka la iclaamiyey waxaa la marinayaa sharciga u dhigan dalka, gaar ahaan kuwa khuseeya ku xadgudubka shuruucda kalluumysiga.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post Bosaso