Madaxweynaha Cusub Hir-shabeelle oo Xilkii Ka Qaaday Guddomiyihii Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddomiyihii gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim.

Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka hiiraan waxaa  markale loo magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo uu hore xilkan ugu magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble.

Magacaabista Cali Jeyte ayaa noqonaysa mid la mid ah wadadii uu hore u maray Madaxweynihii kalsoonida lagala noqday Cali Cabdulaahi Cosoble oo wareegtadii ugu horeysay ku magacaabay Cali Jeyte Cismaan xilkana ugaga qaaday Yuusuf Axmed Hagar 26kii bishii Oktoobar 2016.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cumar Aadan Ibraahim ayaa  si weyn ugu taageeray Cali Cabdulaahi Cosoble diidmadii uu diiday in xilka Madaxweyne laga qaaday waxana uu Cumar Aadan taageeray maamul dhowaan loogaga dhowaaqay magaalada Beledweyne oo ahaa Dowlad goboleedka Hiiran-land.

Hoos ka Aqriso Wareegtada.

 

PUNTLAND POST