Jaamacadda Boosaso Oo Buugaag ugu Deeqday Dugsiga Sare ee Isku-shuban

Bosaso-[Puntland Post]-Jaamacadda Boosaso Faraceeda Magaalada Boosaso ayaa Maanta Boqalaal Buug Oo Ah Kuwa Loogu Talagalay Ardayda Dugsiga Sare ah ku Wareejisay Ururka Dan-wadaag,

Waxaana Loogu Talagalay Iskuulka daawad ee ku Yaala degmadda Isku shuban ee Gobolka Bari, Kaas oo Dhawaan Ay Hirgaliyeen Ururka Danwadaag oo ay ku mideysanyihiin Qurba Joog Ka soo jeeda deegaankaasi,

Deeqdan Buugaagta ah ayaa waxaa ka Gudoomay Jaamacadda Boosaso, Maxamed Cismaan Musse (Dam-Dam) Oo Ka Tirsan Ururka Dan-wadaag oo ka shaqeeya Hormarinta Baahiyaha Arimaha Bulshada,

Gudoomiyaha Jaamacadda Boosaso Universty Prof. Cabdiwali C/rixmaan Geyre Oo Ka Hadlayay Goobtii Buugaagtan Lagu wareejinayay Ayaa sheegay iney maanta Sharaf u Tahay iney deeqdaan ku wareejiyaan Iskuulka Daawad ee Degmada Isku-shuban.

Wuxuu sheegay in Ay Xiriir Wanaagsan leeyihiin Ururka Dan-wadaag ee fadhigiisu Yahay Dalka Mareykanka, islamarkaana Ay Horay oga soo wada shaqeeyeen Mashaariic Hormarineed oo Laga fuliyay Deegaanada Puntland

Dhiniciisa Maxamed Cismaan Oo Ka Socday Ururka Dan-wadaag ayaa sheegay iney Oga Mahadcelinayaan Maamulka Iyo Ardayda Jaamacadda Boosaso, Sidey u garab taaganyihiin Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ku Jira Waxbarashada Dugsiga sare ee Degmadda Isku-shuban,

Wuxuuna Dhiniciisa Balan qaaday in Sida Ugu Haboon Loo Gaarsiindoona Ardayda U Baahan Buugaagtan, Kuwaas oo uu sheegay iney waxbada ka fa’iidi Doonaan, ardayda Dugsiga Sare ee Daawad oo ku Yaaladda Degmadda Isku-Shuban

Ururka Dan-wadaag oo ah Mid ay ku mideysanyihiin Dhalinyaro iyo waxgarad Qurba Joog ah oo ku dhaqan Dalka Mareykanka ayaa ka shaqeeya Hormarinta Deegaanada Puntland, iyagoona sidoo Kale Ka qeyb-qaata Hormarinta Arimaha Bulshada iyo Taakuleynta Dadka Degan Dhulka Fog-fog ee Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post Bosaso