Muwaadin Soomaliyeed oo loo qabtay Weerar ka dhacay London

Ciidamada Police-ka magaalada London ee dalka Britian ayaa baaritaano ku haya muwaadin Soomaaliyeed iyo nin u dhashay dalka ciraaq kuwaa oo lagu eedeenayo in ay ka dambeeyeen weerar todobaadkii hore ka dhacay magaalada London.

Raggan lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday Tareen ayaa da’dooda lagu kala sheegay 21 jir iyo 18 jir iyagoo la tilmaamay in waqti badan ay ku bixiyeen fulinta dhacdadaasi oo la’aamin sanyahay in ay aheed weerar argagixisnimo.

Booliiska magalada London ayaa baaritaano ku sameeyay hoyga ay ku noolaayeen muwaadiniintaa n oo dhaca magaalada Stanwell waxaana habeenimadii sabtida lagu qabtay magalada Hounslow.

Golaha deegaanka ee weerarka uu ka dhacay ayaa sheegay in ay heleen macluumaad ku saabsan cidii weerraka fulisay iyagoo tilmaamay in wali baaritaano kale ay wadaan si loo qabto dad la tuhun sanyahay in isla magaalada ay ku nool yihiin.

Muwaadiniintan u kala dhashay soomaaliya iyo ciraaq ayaa si qaxootinimo ah ugu noolaa dalka Britian.

PUNTLAND POST