Majmaca Culumada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saaray nin u gefay Nabi Muxamed NNKH

Muqdisho-[Puntland Post] Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saaray arrinta ku aadan mid kamid ah Culumada ku nool Magaalada Gaalkacyo oo dhawaaan soo bandhigay sawirka Nin kale kaas oo u ku sheegay in uu yahay Nabigeena Muxamed NNKH.

Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo bayaanka u akhriyay saxaafada ayaa sheegay in ninkaas uu ka baxay Diinta islaamka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ninkan uu meel kaga dhacay xurmadii Nabigeena CSW, waxaana uu codsaday in ninkaas sharciga la marsiiyo.

Dhankale maxkamada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa maanta waxba ku weyday ninkaas oo lagu magacaabo Sheekh Cabdi wali Afyare, kadib markii uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu sawirka ka wadey wadaad macalin u haan jiray oo la dhihi jiray Maxamed.

Dhagaysao bayaanka ka soo baxay Culumada soomaliyeed 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post