Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku wajahan Magaaladda New York

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku wajahan magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxa safarkiisa ku wehlin doona Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgali doona shirka Golaha guud ee Qarammada Midoobay oo madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.

Magaaladda New Yor ee dalka Mareykanka waxaa dhawaan gaaray wafdi horudhac u ah wafdiga Dowladda Soomaaliya uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Shirkaan waxaa lagu Casumaamay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) balse waa uu ka baaqday ka qeyb galka shirkaas.

PUNTLAND POST