Xildhibaan Sugule: “Galmudug waxa ay Bakhaaro ku shubatay Raashin gargaar oo dadku ay u baahanyihiin”

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay arinta la xariirta hanaanka loo qaybinayo raashinka mucaawinadaa ee loogu deeqay Galmudug taa oo ilaa iyo hada ku Jira Bakhaaro ku yaala deegaanada Galmudug.

Xildhibaan Cabdi Sugule Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul uga hadlay Arimahaasi,wuxuuna xusay hadaan si deg deg ah loo qaybin Raashinka ay qaadi doonaan talaabo Sharciga waafaqsan ayna horay u dhaceen arimo lagu lunsaday deeqo loogu tala galay dadka masaakiinta ah,

Xildhibaan Sugule wuxuu Sidoo kale sheegay In zaalada ka dhalatay raashinkii 2016kii Galmudug Loogu Deeqay ee la musuq maasuqay Sababtay In Xilkii laga qaado Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed hadana ay ka fiirsan doonaan sida howshaan loo Wajaho.

Hoos ka Dhageyso Codka.

PUINTLAND POST