Al-Shabaab oo la wareegay deegaan wax ka yar 20KM u jiro Beledweyne

Wararka ka imaanaya deegaanka Kalabeyr oo 20-KM u jira magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay la wareegeen deegaankaas.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la sheegay in deegaankaas ay weerar qorshaysan ku qaadeen islamarkaana ay meesha ka saareen Ciidamadii Dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugnaa.

Dagaalkaasi ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.

Al-Shabaab ayaa baryihii ugu dambeeysay waxa ay qaadayeen weeeraro qorsheysan oo ay ku qaadayaan deegaanada iyo degmooyinka ay maamulaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Shalay ayey Al-Shabaab dagaal toos ah iyo qaraxyo waxa ay kula wareegeen degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo.

Dad badan ayaa waxa ay aaminsanyihiin in weeraradan Al-Shabaab ay soo qaadayaan ay sabab u tahay kadib markii ay yaraadeen dagaaladii ay ciidamada dowlada ku qaadayeen Al-Shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post