Baraaruga Dadweynaha Puntland iyo Hadal haynta Doorashada fog 2019-ka

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa soo bandhigaysa rayi uruurin kooban oo ku wajahan baraaruga dadweynaha  Puntland iyo hadal haynta doorashada fog ee sanadka 2019-ka, waxaana ka qeybgalay qaar ka mid ah shacabka iyo Ardeyda Jaamacadaha iyo Iskuulada ee ku nool Caasimada Puntland  magaalada Garowe .

Inta badan dadka ka qeybgalay Rayi uruurinta waxay si isku mid ah farta ugu fiiqeen  in fursad loo siiyo dhalinyarada hogaaminta Puntland 15 bilood ka dib marka la gaaro 08 Janury 2019, Iyagoona dhanka kale diidmo adag ka muujiyay dadka qurba joogta inay hogaamiyaan masiirka siyaasadeed ee Puntland.

Dooda dadweynaha waxay ku qotontaa xal u helista baahiyo ka jira gudaha sida Amniga,Tahriibta iyo Shaqo abuurka dhalinyarada, waxayna PUNTLAND POST warbixinta maqal iyo muuqaalka kusoo beegtay xilli si weyn looga hadal hayo gudaha Puntland xulashada cidda ku hobaanaan lahayd kuraasta ugu sareysa Puntland ka dib doorashada fog ee 2019-ka.

Daawo Wariye Abshir Dhiirane oo qaar ka mid ah dadka ku nool Garowe la dhexqaadaya microphone-ka .

Garowe

PUNTLAND POST.