Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Beledxaawo oo ay kal hore dagaal ku qaadeen Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo uu uga bilawday Gobolka Gedo ayaa gaaray Magaalada BeledXaawo isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta ku leeyahiin duleedka Magaalada halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Sarakiil sare oo katirsan Dowlada iyo xubno labada gole kasocda waxaa ay soo kormeereen xerada oo ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada Jubbaland iyadoo Madaxweynahu uu qudbad u jeediyay Askarta Dowlada.

Madaxweynahu wuxuu ku amaanay sida ay dhabar adayga ku dayashada mudan u muujiyeen Ciidamada qalabka sida oo maalmo kahor iska caabiyay weerar ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada ka jirta wadanka ayuu sheegay Madaxweynahu in Jubbaland looga baahan yahay isku tashi dhinaca amaanka ah iyo in ay sida ugu dhaw u bilaabanayaan hawlgalada Al-Shabaab lagaga xoraynayo meelaha ay  gobolka kaga sugan yihiin.

“Caasimadii Jubbaland waxaa ay wali ku jirtaa gacanta cadawga waxaa hubaal ah Ciidanka ay tahay in ay halkaas tagaan oo ay xoreeyaan waa idinka Jarmal miyuu circa inooga soo daadan waa maya” ayuu yiri Madaxweynahu.

Al-Shabaab ayuu sheegay in ay jabeen oo ay dabka ku daadanayaan waxa kaliyah oo ay sugayaana ay tahay in la is raaciyo oo lasoo afjaro.

“Al-Shabaab maanta inagaa Dowlad ahaana ka xoog badan Mustaqbal ahaana idinkaa ka sharaf badan oo ka niyad wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Ciidamadii ka qayb qaatay dagaalkii Al-Shabaab lagu jabiyay ayuu Madaxweynahu sheegay in la abaal marinayo oo ay helayaan si joogta ah xuquuqda ay leeyahiin loogana baahan yahay in ay ka qayb qaatan hawlgalada la isugu furayo deegaanka.

Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in uu wakhti badan galin doono isku dubaridka Ciidamada inta uu Gobolka joogo isla markana wax badan oo wanaagsan ay qaban doonan.

Hoos ka Daawo Sawirada.

PUNTLAND POST