Malaysia: Ugu yaraan 24 arday oo ku dhimatay madariso gubatay

Malaysia[Puntland Post]-Dab xoogan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay qabsaday Madaraso Islaami ah oo kutaala magaalada Kuala Lumper ee caasimada dalka Malaysia.

Xaruntan Islaamiga ah oo caruurta lagu baro Xifdiga Quraanka Kariimka iyo culuumta kale ee Islaamiga ayaa dab xoogan qabsaday , waxaana ku dhintay in la xaqiijiyay 25-qof oo u badnaa ardayda Madarasadaasi.

Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa u sheegay in musiibada dabkan ay ku dhinteen 23-arday iyo labo waardiye sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale, waxa uuna intaa raaciyay in tiro kale lasoo bad baadiyay.

Booliiska ayaa baaritaan ku sameenaya waxa dhaliyay dabkan khasaaraha xoogan geestay, waxaana xarunta Madarasa dabku ka kacay ay aheyd goob xanaano oo kala ah ay jiifsadaan caruurta wax lagu baro.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post