Dowladda oo ka hadashay heshiis ay la gashay Ha’yadda ICAO

Wasiirka duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteed afka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiskii ay la galeen Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawada ee ICAO .

Oomar oo galabtoo Khamiisa la hadlay BBC-da wuxuu sheegay in dhawaan hawada Soomaaliya maamulkeeda lagu soo wareejin doono dowaldda Federaalka , islamaraakana heshiis is afgarad ah ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ha’yadda ICAO.

Wasiirku wuxuu ka dhawaajiyey in bisha Octobar Muqdisho la keeni doono qalabkii lagu maamuli lahaa hawada , wixii markaas ka dambeeyana ay billaamayso in si tijaabo ah loogu shaqeeyo , inta tijaabadu dhamaanayso ayuu xusay in Dowladda Kenya ay kawada shaqayn doonaan hawada.

Shalay oo Arbaco ahayd ayey heshiis kala saxiixdeen wefti dowaldda Federaalka ka socday oo uu hogaaminayey Wasiirka duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad ( Oomaar) iyo Masuuliyiin uu kamid yahay Xoghayaha Ha’yadda ICOA.

PUNTLAND POST