Dowladda Federaalka iyo Ha’yadda ICAO oo kawada hadlay hawada Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya iyo Ha’yadda ICAO oo maammusha Hawada Soomaaliya ayaa shalay Shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya , shirku wuxuu ku saabsana sidii dowladda federaalka loogu soo wareejin lahaa Hawada Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa shalay isla gartay kawada shaqaynta Hawada Soomaaliya, islamarkaana dowlada Federaalka lagu wareejiyo hawada mamulkeeda.

Warar horay usoo baxayey ayaa sheegayey in Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawada ICAO hor istaag ku samaysay in hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dowladda Federaalka xilligan.

Xog-hayaha Guud ee Hay’ada ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in Wasiirka iyo wafdigiisa ay yeesheen wadahal miro dhal ah iyo in sida ugu dhaqsaha badan hay’ada FISS ee hadda gacanta ku haysa adeega duuliymaadyada Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo oo maamulka hawada Soomaaliya xarun u noqoto.

Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdulllaahi Salaad (Oomaar) oo hogaaminayey wafti dowladda Federaalka ayaa warbaahinta u sheegay inay Ha’yadda ICAO ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in dowladda Soomaaliya lagu soo wareejiyo hawada dalka .

Dowladdii hore Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sidaan oo kale isugu dayday inay lasoo wareegto hawada Soomaaliya balse ay ku fashilantay.

PUNTLAND POST