Ciidammo Itoobiyan ah oo la geeyay Degmada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galguduud


Dhuuso-mareeb (PP) ─
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horreysay la geeyay magaalada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgauud ee bartamaha Somalia, iyagoo fariisimmo ka sameystay gudaha magaalada iyo daafaheeda.

Magaalada Dhuuso-mareeb waxaa horay u joogay ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn kuwa AMISOM, kuwaasoo bilaabay inay degmadaas isaga baxaan, iyadoo Ciidamada hadda la geeyay Magaaladaas Itoobiya, laakiinse ka tirsan AMISOM.

Sidoo kale, Saraakiisha Amniga Ahlusunna Waljamaaca ayaa Saxaafadda u xaqiijisay in Ciidamada Itoobiya degmada laga saaray laguna badalay kuwo kale oo ka socda Itoobiya kana tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia.

Ciidamadii Itoobiya ee ka baxay Dhuuso-mareeb ayaa muddo dheer halkaas ku sugnaa,  waxayna ahaayeen Ciidan ka amar qaata Maamulka Ahlsunna ee Gobalada Dhexe.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna oo ka gaabsaday inay magacyadooda sheegaan ayaa sheegaya in arintaan ay salka ku hayso wadahadalo dhaxmara maamulada looga kala arimiyo degmooyinka Cadaado iyo Dhuuso-mareeb ee Galmudug iyo Ahlusunna.

Ugu dambeyn, Galmudug ayaa adeegsaneyso Xeelado Siyaasadeed oo ay ku raadineyso mideynta labada Maamul inkastoo aysan ahayn Wax-fudud iyo Waqti dhaw in Maamulka dadkiisa ku kaceyn ee Ahlusunna laga dhaadhiciyo ku biiritaanka maamulka Galmudug.

PUNTLAND POST