Ciidamada Somaliland oo qabtay Khamri iyo Maan dooriyayaal kale

Ciidamada booliiska Somaliland ayaa deegaanka Bali Harac oo ka tirsan gobolka Sool waxay kasuu qabteen waxyaalaha Maanka dooriya oo ay kamid yihiin Khamri iyo Raggii watay.

Khamriga oo ka koobana 240 dhalo iyo Maan dooriyayaal kale ayaa lasoo galin rabay magaalada Laascaano siduu sheegay Taliyaha ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sool.

G/dhexe Khaliif Maxamuud Cali ayaa sheegay in howlgalo ciidamadu ka sameeyeen deegaanka ay usuuro gashay inay soo qabtaan Khamriga iyo waxyaalaha kale ee Maanka dooriya.

“Halkan waxaad u jeedaan Khamrigan oo aan ka soo qabanay magaalada Bala-harac, kuna soo socday Laascaanood, balse Ciidamada ayaa ka hortagay oo keenay Khamriga iyo raggii watay, waxaa weeye waa afooyinka ugu waa weyn ee ummadda aafeeyay.” ayuu yiri Taliyuhu.

Khaliif ayaa intaas ku daray in sharciga la horgayn doono ragga iyo waxyaalaha lagu soo qabtay islamarkaana ay mudandoonaan wixii lagu xukumo.

PUNTLAND POST