Allaha unaxariista waxaa xalay saqdii dhexe ku geeryooday Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer ee magaalada Muqdisho weriye Cabdullaahi Cismaan Macalin oo ka howlgali jiray TV-ga Jubbaland xaruntiisa Baladweyne.
Weriyaha ayaa ku dhaawacmay Qarax 10-kii bishan ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana loo soo qaaday magaalada Muqdisho kadib markii wax looga qaban waayey isbitaalada Baladweyne.
Ehelada Marxuumka dhintay ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geeridiisa , waxayna intaa ku dareen in maanta lagu wado in lagu aaso Muqdisho.
Maqaayad ku dhow xarunta gobolka Hiiraan oo 10-kii bishan la qarxiyey waxaa ku dhintay 2 ruux halka dad gaaraya 8 qof ay ku dhaawacmeen.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa masuuliyadda qaraxaas ku eedeyey Al-shabaab, magaalada Baladweyne waxaa todobaadyadii laso dhaafay kusoo badanayey Qaraxyada.
PUNTLAND POST