Taliyaha Booliska Gobolka Bari oo sheegay inay qabteen Askari gacan ku dhiigle ah

Taliyaha Booliska Gobolka Bari C/xakiim Xuseen Yuusuf ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo qabashada askari ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland oo shalay Askari kale ku dilay magaalada Ceeldaahir ee Gobolka Bari.

Taliye Cabdixakiin ayaa sheegay askariga la qabtay inuu dilay Askari kale oo ka tirsanaa ciidanka booliska ilaaliya Kantaroolka Bosaso ka dib markii uu kasoo laabtay safar uu Qardho ku booqday Aabihiis oo xanuunsan.

Sababta la xiriirta dilka labo askari wuxuu ku sheegay Taliyaha Qeybta Gobolka Bari inay ahayd arrin la xiriirtay askar ka tirsan ciidanka daraawiishta oo wadada isbaaro u dhigtay baabuur qaad u sida Bosaso oo uu la socday marxuumka geeriyooday.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari wuxuu digniin u diray ciidamada iyo dadka isku daya inay isbaarooyin u dhigtaan wadooyinka gawaarida qaadka sida oo uu sheegay inaysan u dulqaadan doonin Dowladu wixii abuuraya falal amni xumo.

Sidoo kale tuulada Libow oo ka tirsan Degmada Qardho kooxo jidgooyo u dhigtay gaariga qaadka ayaa dhaawacamay mid ka mid ah ganacsatada qaadka oo hadda lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST