Hogaamiyihii Isbahaysiga Mucaaradka dalka Jabuuti oo geeriyooday


Paris (PP) ─
Hoggaamiyihii Isbahaysiga Mucaaradka Dalka Jabuuti ee USN, Axmed Yuusuf Xaamud ayaa maalin ka hor ku geeriyooday Faransiiska, isagoo da’diisu ahayd 79-sano.

Saraakiil u hadlay isbahaysiga Jabuuti ee Badbaadada Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u sheegay geerida mas’uulkoodii, iyagoo xusay in Marxuumku uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Quimper oo lagu daweynayay.

Wakiilka Xisbiga USN ee Faransiiska, Marki Houbed-Gaba ayaa sheegay inuu marxuumku la xanuunsanayay tan iyo bishii lasoo dhaafay ee Ogoosto dhiig uga furmay maskaxda.

“Marxuumka waxaa lagu aasay maanta qubuuraha muslimiinta ee magaalada Quimper,” ayuu yiri Houbed-Gaba oo sheegay in dad badan ay kasoo qayb-galeen aaska marxuumka.

Ugu dambeyn, Allaha u naxariistee Axmed Yuusuf Xaamud wuxuu majaraha u hayay ama hoggaaminayay isbahaysi ay ku midoobeen in ka badan todoba xisbi siyaasadeed oo ka jira Jabuuti, waxaana isbahaysiga la aasaasay markii ugu horreysay bishii Jannaayo ee sannadkii 2013-kii.

PUNTLAND POST