Diyaarad Nooca Sirdoonka oo ku soo Dhacday Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Degmada yaaqshid ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in Diyaarad Nuuca drown-ka ah ay ku  dhacday degmadaas.

Diyaaradaan ayaa ku dhacday Xaafadda Ceymiska Degmada yaaqshid ee Gobolka banaadir.

Diyaarada ayaa ku dul dhacday goob banaan ah oo kutaala waaxda 1-da Luulyo ama Ceymiska, Guryo ka sameysan Jiingado oo ka agdhawaa goobta ayaa qaar ka mid ah qasaaro aad u yar ka soo gaaray, Mana jiro wax qasare Nafeed ah oo ka dhashay.

PUNTLAND POST Muqdisho Office