Ciidamada amaanka oo howlgalo ka billaabay Baydhabo

Ciidamada amaanka dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed oo is garabsanaya ayaa saaka howlgalo ka billaabay magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur galbeed.

Howlgalada ay ciidamadu ka billaabeen Baydhabo waxay ku xaqiijinayaan amaanka , iyagoo baaraya guryaha ,Wadooyinka iyo baabuurta.

Dad ay ka shakiyeen ciidamadu ayey soo qateen kuwaas oo u badan dhalinyaro, waxayna tilmaameen laamaha amaanku in baaritaan lagu samaynayo lagu kala saari doono.

Wasiirka ku xigeenka Ammniga maamulka Koonfur galbeed Cabdirisaaq Cabdi Aadan oo warbaahinta la hadlaya ayaa u sheegay in ciidamada amaanka amar lagu siiyey inay kaso qabtaan waxkasta oo amaanka lidi ku ah.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmahan la filayo inuu tago Baydhago Shiikh Mukhtaar Roobow (Abu Mansuur) waxaana todobaadkii lasoo dhaafay magaalada ka dhacay Qarax ismiidan ah oo lala eegtay maqaaxi ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

PUNTLAND POST