Bandhig Carweedka buugaagta oo maanta Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta oo arbaco ah magaalada Muqdisho ka furmay bandhig Carweedka buugaagta Muqdisho , waxaa ka qay galay Wasiiro , Xildhibaano , Siyaasiyiin hore iyo Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating .

Warbaahin Caalamiya iyo mida gudaha ayaa tabinayey bandhiggan, wuxuu ahaa bandhig ballaaran oo meelo kala duwan laga kala yimi.

Qorayaal Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa isaga kala yimi ayaa kusoo bandhigay buugaag ka hadlayey dhaqanka Soomaalida, arrimaha bulshada iyo mowduucyo kale .

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo urrurkiisu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan uu wax badan kaga badalanyahay bandhigyadii horey ay usoo qabteen.

Dadka maanta ka qayb galay bandhigga ayaa iibsanayey buugaagta , wuxuu socon doona maalmahan ka qayb galayaasha ayaa fursad u haysta inay cilmi badan ka faa’iidaan.

Qorayaasha iyo dadkii kale joogay bandhigga ayaa sheegay in bandhiggan oo kale uu wax badan ka badalayo isdhexgalka shacabka iyo hormarka dalka.

SAWIRRO


PUNTLAND POST