Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka Doodaya Arinta Qalbi Dhagax

Xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta waxa ay yeelan doonaan fadhi ay kaga doodayaan dhiibistii C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax) oo dhawaan loo gacan galiyay Dowladda Ethopia.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa kulan uu Shalay ku yeeshay Magaaalada Muqdisho ku go’aamiyay in maanta oo Arbaco  ah la qaban doono fadhi uu yeelanayo Baarlamaanka Sooomaliya ,isla markaana qodobada laga doodayana uu ka mid  noqon doono arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbidhagax.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa  loo direy fariimo ku saabsan in ay soo xaadiraan kulanka islamarkaana Golaha shacabka uu maanta ka doodi doono dhiibidii Dowladda Soomaliya ee C/kariin Shiikh muuse (qalbi Dhagax).

Kulankan ayaa waxaa uu yahay mid muhiim ah iyadoo arrinta Qalbi dhagax ay noqotay mid xasaasi ah kadib markii dhowaan Golaha Wasiirada kulan ay yeesheen ay dowlada ku qiratay inay u gacan gelisay Cabdikariin Shiikh Muuse(Qalbi Dhagax).

Kulkan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa kooram la’aan u baaqday iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku eedeeyeen dowlada inay ka dambeysay in kulankaas uu baaqdo.

Hoos ka dhageyso Codka Xildhibaan Abuukaate oo ka Warbixinaya kulanka Baarlamaanka.

PUNTLAND POST