Baarlamaanka Hirshabelle oo Maanta Dhageysanaya Qudbadaha Musharixiinta

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa la filayaa in maanta Khudbadahooda ay ku soo bandhigaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Amaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada gaaray Wafuud heerar kala duwan leh.

Tirada Musharixiinta waa 8, waxayna kala yihiin Cabdikarim Cali Nuur, Cabdinasir Shirwac Maxamed, Daahir Cabdulle, Maxamed Cabdi Waare, Cabdi Faarax Laqanyo, Maxamed Caruush,  Cabdiraxmaan Xuseen Cadow iyo Yusuf Hagar Daba-geed

Waxaana maanta soo bandhigi doono Khudbadahooda ku saabsan Taariikhdooda iyo qorshahooda waxqabad 4-muhsrax.

Maalinta Sabtida oo ay Taariikhda ku began tahay 16-ka bishan ayaa lagu balansan yahay inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST