Baarlamaanka Fedeaalka Somalia oo guddi u saaray dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa maanta si aad u weyn uga dooday dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax] ayaa doodad waxaa lasoo gaba-gabeeyay gellinkii dambe ee maanta, iyadoo ugu dambeyn guddi loo saaray arrintaan oo muran xooggan uu ka taagan yahay.

Kulankan doodda ahaa ayaa waxaa ka hadlay kontomeeyo xildhibaan oo aad ugu kala ra’yi duwanaa arrintan, waxaana qaarkood ay soo jeediyeen in dib loosoo celiyo muwaadinka Soomaaliyeed si xal loo helo.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka hadlay doodda kana mid ahaa xildhibaannadii dhiibista Qalbi-dhagax aad uga soo horjeeday ayaa soo jeediyay inay xal ogol yihiin, wuxuuna sheegay in saddex arrin ay dowladda ku xirayaan si arrintan loo qaboojiyo.

“Dowladda waxaan ka doonaynaa inay fuliso saddex arrimood oo kala ah; in dib loo soo celiyo C/kariin Qalbi-dhagax, in Muwaadin kale oo Soomaaliyeed aan loo dhiibin Itoobiya iyo in ONLF aysan ahayn argagaxiso,” ayuu Zakariye ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale Xildhibaano kale ayaa difaacayay go’aanka Golaha Wasiirada gaareen 06-dii bishan Septebmer, ayaa sheegay in la raaco go’aanka ay dowladdu gaartay, isla markaana aanay Somalia xamili karin kooxo ay ka mid tahay ONLF iyo kuwa Argagaxisda ah.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa gaba-gabadii doodda ka hadlay ayaa sheegay in guddi gaar ah loo saarayo arrintaan, isagoo xusay in guddigan magacyadooda Sabtida soo soxota soo gudbin doonaan.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii ay xal ugu heli lahayd murankan ka dhashay C/kariin Qalbi-dhagax, inkastoo ay weli jiraan dibadbaxyo arrintaan looga soo horjeedo.

PUNTLAND POST