Puntland oo markii ugu horaysay ka hadashay arrinta Qalbi-dhagax

Maamulka Puntland ayaa dowladda Soomaaliya ku taageertay arrinta qalbidhagax loogu gacan galiyey Ehiopia, waxayna ku sheegtay tallaabo wanaagsan.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada uqaabilsan Xiriirka gobolada Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay qaatay tallaabo wanaagsan, islamarkaana ay ku saxan tahay inay qalbidhagax u gacan galiso dowladda Ethiopia.

Cabdiraxmaan Gurxan ayaa tilmaamay in Urrurka ONLF aysan jirin cid ay xoraynayaan wuxuu hadalkiisa kusii daray in Jubuuti, Waqooyi bari Kenya , iyo Killinka Shanaad ay Dadka jooga ku nool yihiin nabad Hormar.

Wasiirka ayaa xusay in kuwa hadda sheegaya inay doonayaan Soomaali weyn wataan tobban oo kala duwan.

Dowladda Ethiopia ayuu sheegay inay Soomaaliya ka caawiso dhan walba, isagoo intaa ku daray in ciidamo ay leedahay joogaan gudaha dalka, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al-shabaab.

Hadalka Puntland ayaa imaanaya xilli dad badan oo Soomaaliyeed ay jahawareer ka qaadeen arrinta Qalbi dhagax, oo xukuumaddu sheegtay in lagu dhiibay heshiis horay dowladdii ka horaysay ula gashay Ethiopia.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan dhiibistii Qalbidhagax , waxaana aqalka sare shalay uu dib udhigay dood ay ka yeelan lahaayeen , kadib markii xubno kamid ay mowshin ka keenen in dib loo dhigo arrinta qalbi dhagax.

PUNTLAND POST