Musuq-maasuq ba’an oo ka jira Laanta socdaalka Puntland

Xafiiska laanta socdaalka Puntland

Xafiiska laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland waxaa uu kamid yahay Hay’adaha dawliga ee hoos yimaada Wasaaradda Amniga Dawlada Puntland, waxaana loogu tala galay inay u khidmayso dadka danaynaaya arimaha socdaalka Puntland.

Inta badan xafiiskan waxaa soo mara dadka doonaya inay u safraan dalka Itoobiya, waxaana kamid ah dadka bukaanka, Qararaf (Ganacsato yaryar) iyo dadka socota ah ee u safraya dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdi Maxamed Cali ayaa April-02-2017 Hay’adan u magacaabay Agaasime guud oo ah nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Askhir iyo ku-xigeenkiisa oo laga dhigay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cabdikariin Maxamed Faarax (Dhagaweyne),  sidoo kale waxaa lala magacaabay labba agaasime waaxeed oo kale.

Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa dhawaan joojisay lacag gaaraysa Toban Dollar ($10) oo uu xafiisku ka qaadi jirey dadka u safraya dalka Itoobiya, kadib markii ay Wasaaradu sheegtay inaysan ahayn lacag sharciga waafaqsan sida aan kasoo xiganay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Hadaba Warbaahinta PUNTLAND POST waxaa maalmihii u danbeeyey soo gaaraayey cabasho xoogan oo ay dadweynuhu ka muujinayaan shaqada laanta socdaalka kadib markii albaabada loo-laabay dhisme weyn oo Garowe looga dhisay Hay’adda socdaalka isla markaana shaqadii Hay’adda lagu qabanaayo meelo ka baxsan xafiisyadii Hay’adda.

Mar ay PUNTLAND POST booqatay dhismaha laanta socdaalka Garowe ma jirin xafiis furan iyo sarkaal kamida Hay’adaas oo shaqada joogey xiligaas.

Dad fara badan oo u socda dalka Itoobiya ayaa sheegay inay magaalada Garowe ku xaniban yihiin muddo Bil ka badan markii la waydiistay lacag Laaluush ah oo aysan awoodin, Gabar magaceeda ka gaabsatay ayaa u sheegtay PUNTLAND POST in nin kamida saraakiisha u sareysa Hay’adan uu u sheegay inay bixiso Boqol Dollar ($100) si loogu daro liiska dadka ay dal ku-galka siinayso qunsuliyada Itoobiya,  Sidoo kale nin kamida dadka doonaya fiisaha Itoobiya ayaa noo sheegay in isla ninkaas uu waydiistay inuu bixiyo lacag gaaraysa labba boqol oo dollar ($200) si uu u helo dal ku-galka Itoobiya.

14-kii Bishii May ee sanadkan ayaa Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Camey oo markaas ahaa ku-simaha Madaxweynaha shaqadii looga joojiyay Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland Maxamuud Faarax Ashkir kadib markii lagu eedeeyay shaqo xumo.

Balse 22-kii isla Bishaas May ayaa Digreeto kale oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Camey dib loogu fasaxay Agaasime Maxamuud Faarax Ashkir, iyadoo aan Digreetadaas lagu faahfaahin sababta go’aankiisii hore loo badalay muddo kooban gudaheed.

Ugu danbeyntii Arintan oo si aada looga dareemay dadka u safraya dalka Itoobiya ma aysan soo fara gelin illaa hada Wasaaradda Amniga iyo Madaxtooyada Puntland oo Hay’adani hoostagto.

PUNTLAND POST