Maxkamad Maanta u ogolaatay Maamulka Donald Trump Xoojinta Xayiraadii Qaxootiga

Washington (PP) ─ Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa si KMG ah u soo saartay amar u ogolaanaya maamulka madaxweyne Trump inuu sii wado siyaasaddiisa xakameynta Qaxootiga, taasoo meesha ka saartay xukun ay soo saartay maxkamad hoose, kaasoo u ogolaan lahaa Qaxootiga qaar in ay Mareykanka galaan laga billaabo Talaalada maanta ah.

Garsoore Anthony Kennedy ayaa maanta soo saaray amarka KMG ah isagoo ka dalbaday dadkii dacwada ka keeney inay ka soo fal-celiyaan illaa gelinka hore ee maanta.

Sidoo kale, Maxkamadda Sagaalaad ee Racfaanka dalka Mareykanka, ayaa toddobaadkii hore xukmisay in qaxootiga qaar ay Mareykanka soo gali karaan – haddii hay’ad dib u dejineed oo gudaha dalka Mareykanka joogta ay kiiskooda aqbasho. Arrintaasoo haddii ay ku guuleysan lahaayeen u suuro-galin laheyd inay Mareykanka galaan 24,000 oo qaxooti ah.

Dhanka kale, Wasaaradda caddaaladda Mareykanka , ayaa arrintaas dacwad ka geysay Maxkamadda sare ee dalkaas shalay oo Isniin ahayd, iyadoo tani ay hor-joogsanayso qoxooti badan oo Afrika ka bixi lahaa.

Ugu dambeyn, Donland Trump ayaa amar madaxweyne oo uu soo saaray bishii Maarso ee sannadkan, waxa uu xanibaad ku soo rogay muwaddiniinta ka imanayay dalal Muslimiin u badan oo lix gaaraya, kuwas oo kala ah Iran, Siiriya, Libya, Somalia, Sudan iyo Yemen in ay 90 cisho in ay waddanka soo galaan, isagoo joojiyay muddo 120 beri barnaamijkii dib u dejinta qaxootiga ee Mareykanka.

PUNTLAND POST